Wadamada G7 oo ugu baaqay Xuutiyiinta inay joojiyaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta Israel

Image
Xuutiyiinta ayaa 19kii bishan ku dhawaaqay inay gacanta ku dhigeen markabka "Galaxy Leader"

SANA'A (GO) - Wadamada G7 ayaa ugu baaqay Xuutiyiinta Yemen inay si deg deg ah u joojiyaan weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, isla markaana ay joojiyaan hanjabaadaha ay ku hayaan marinnada maraakiibta caalamiga ah.

Xuutiyiinta ayaa horaantii bishan afduubtay markabka “Galaxy Leader” oo uu leeyahay ganacsade Israa’iili ah.

Kooxda ayaa Todobaad ka hor ku dhawaaqday inay gacanta ku dhigtay markabka xamuulka ah ee "Galaxy Leader", oo ku suganaa badda cas, una qaaday xeebaha Yemen, iyagoo taageero u fidinaya iska caabinta Falastiiniyiinta ee marinka Qasa.

Sidoo kale waxay ku hanjabtay inay beegsan doonto maraakiib kasta oo ay maamusho ama ay leedahay Israel.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee G7 ayaa ku baaqay in la kordhiyo xabbad joojinta bini'aadantinimo ee Marinka Qasa, waxayna raaciyeen:

"Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah oo shuruud la'aan ah loo sii daayo dhammaan maxaabiista ku xiran Qasa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM