Wadamadda G7 oo cod dheer ugu goodiyey Ruushka

Image
Xiisada ayaa sii kordheysa iyadoo Moscow ay ciidamo kusoo aruurisay xadka Ukraine.

LONDON, Britain - Kooxda G7 ee hodanka ku ah dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha aduunka ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen uga digay Ruushka "cawaaqib weyn" haddii uu soo galo dhul-weynaha waddanka Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, Liz Truss, oo ka hadlaysay shir madaxeedkii ka dhacay Liverpool, ayaa sheegtay in kooxdu ay doonayso in Ruushka uu joojiyo gardarada uu ku hayo Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa u sheegay Madaxweyne Biden intii lagu guda jiray wicitaankooda muuqaalka ah todobaadkii hore in ciidamada Ruushka aysan cidna khatar ku ahayn, sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka.

Xiisada oo si weyn looga cabsi qabo in ay si deg-deg ah isugu rogto dagaal fool ka fool ah ayaa sii kordheysa iyadoo Moscow ay ciidamo kusoo aruurisay xadka Ukraine.

Mr Putin waxa uu intaa ku daray in aanu wax rajo ah oo gaar ah u hayn ka dib markii uu la hadlay Mr Biden, balse uu jeclaan lahaa in uu si shakhsi ah ula kulmo, sida ay warbaahinta maxaliga ah ka soo xigtay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

"Ruushka iyo Maraykanku waxay sii wadaan xal u helida kala duwanaanshaha fikradeed ee halista ah," Mr Peskov ayaa raaciyay. Ma bixin tafaasiil ku saabsan qaabka loosoo afjarayo.

Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in Moscow laga yaabo inay qorsheyso weerar militari dhammaadka bisha Janaayo, inkastoo saraakiisha sarre ee Mareykanka ay sheegeen inaysan weli caddayn in Mr Putin uu go’aan gaaray iyo in kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM