Wadamda Mali, Niger iyo Burkina Faso oo dhisay isbaheysi militari ah

Image

NIAMEY, Niger - Wadamada Mali, Niger iyo Burkina Faso ayaa saxeexday heshiis dhinaca ammaanka ah oo ay ku ballan-qaadeen inay midba midka kale ka caawin doono haddii uu dhaco duullaan dibadeed.

Saddexda dal ayaa wada dadaallo lagu doonayo in lagu xakameeyo kooxaha nabad-diidka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish, waxaana sidoo kale xumaaday xiriirka ay la leeyihiin dalalka deriska la ah iyo saaxiibada caalamiga ah, kadib afgambigii ka qabsomay dalka Niger.

Afgambjgaas oo ka dhacay dalka Niger ayaa sababay khilaaf hor leh oo soo kala dhexgalay saddexda dal iyo ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika ee ECOWAS, kaas oo ku hanjabay inay awood u adeegsan doonaan soo celinta xukunka dastuuriga ah ee dalkaas.

Mali iyo Burkina Faso ayaa ballan qaaday inay gargaar u fidin doonaan Niger haddii la soo weeraro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM