Wadanka Jabuuti oo saldhig ciidan siineysa wadanka China
Jabuuti, May 10,2015 ( GO)- Wadanka Jabuuti ayaa wadahadal uu saldhig ciidan ku siinayo wadanka China, sidaas waxaa u sheegey AFP madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.
Talaabadaan ayaa keeneysa in saldhigyada Mareykanka iyo China dhinaca isku qabtaan wadankaan yar ku yaal geeska Afrika.
"Wadahadal waa socdaa," sidaas waxaa warsaxafdeed ku sheegey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, isaga oo hoosta ka xariiqey in joogitaanka Chineska ee Jabuuti la soo dhoweynayo.
Wadanka Jabuuti ayaa waxaa saldhigyo ku leh sidoo kale wadanka Faransiiska, Jarmalka iyo Jaban.
GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA