Wafdi ka socda Mareykanka oo booqday Suuriya

Image

DIMISHIQ - Diblumaasiyiin Mareykanka ah ayaa markii ugu horeysay booqday caasimadda Suuriya Dimishiq markii ugu horeysay muddo toban sano ka badan, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Booqashada ayaa timid wax ka yar laba toddobaad kadib markii kooxo ay hogaamiso Ha'yat Tahrir al-Sham (HTS) ay afgembiyeen nidaamka Bashaar Al-Asad. dalkana u horseeday waa cusub.

Wafdiga Dimishiq tagey ayaa kala hadlay hogaamiyaasha cusub ee Suuriya sida Maraykanku u caawin karo dalkooda xiligan kala-guurka ah.

HTS ayaa weli ku jirta liiska argagixisada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaana ay horey xiriir ula lahayd Al-Qaacida, balse waxay tan iyo markaas isku dayday inay meesha ka saarto wixii hore Mareykanka ka fekerayay inuu liiska ka saaro.

Hoggaamiyaha HTS Abu Mohammed al-Jolani ayaa toddobaadkan la kulmay dublamaasiyiin British ah iyo kuwa Jarmalka ka socday, wuxuuna ku baaqay in la soo celiyo xiriirka iyo in laga qaado cunaqabateynta saaran Suuriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM