Walaaca ku saabsan in Trump uu helaalay Coronavirus oo sii kordhay

Image

WASHINGTON, US – Walwalka ku aadan in madaxweyne Donald Trump uu haleelay safmarka halista ah ee Coronavirus ayaa sii kordhay, sidda ay ku warantay warbaahinta gudaha waddanka Mareykanka.

Telefishinka CNN ayaa baahiyey in askari ka tirsan ciidanka badda Mareykanka gaar ahaan guutada sidda dhow ula shaqeysa Trump iyo qoyskiisa laga helay cudurkaas dunida aafeeyay.

Sidda ku xusan warbixinta Tv-ga, Trump ayaa aad u carooday kadib markii Arbacadii lagu wargeliyey arrintaan. Kahor inta aan lasoo bandhigin natiijadda, askariga ayaa dhowr jeer la baarey.

Hogan Gidley, ku xigeenka xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad oo xaqiijiyey xaalada askariga, ayaa wuxuu tilmaamay in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa laga baarey cudurka lagana waayey.

Illo wareedyo kala duwan ayaa laga soo xigtay in Trump lagu wargeliyey in askariga uu soo ritay xanuunka Arbacadii isagoo nasiino ku jira isla markaana waqti la qaadanaya dad kala duwan.

Tan iyo markii uu dilaacay caabuqaan kasoo bilowday bartamaha Shiinaha, dhowr jeer ayaa su'aal la geliyey caafimaadka Trump oo iska fogeeyay.

Mareykanka ayaa safka hore kaga jiray wadamadda uu saameynta xun ku reebay xanuunkan sidda fudud u faafa; in ka badan hal milyan oo ruux ayuu ku dhacay, dad ka badan 74-kunna wuu galaaftay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM