Wales oo markii ugu horeysay Ra’iisul Wasaare madow yeelatay

Image
Gething ayaa la dhaarin doonaa isla marka uu Boqor Charles III ogolaado magacaabistiisa.

Cardiff (GO) - Vaughan Gething ayaa loo doortay wasiirkii koowaad ee Wales, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee madow ah oo ka taliya dowlad ka dhisan UK.

Gething ayaa xubnaha baarlamaanka Wales ee Cardiff u doorteen hoggaamiyaha dowladda, afar maalmood ka dib markii uu ku guuleystay jagada hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee Wales.

Waxa uu helay 27 cod 51 ka mid ah golaha sharci dejinta, halkaas oo xisbiga shaqaaluhu uu yahay xisbiga ugu weyn.

Gething, oo ah wiil uu dhalay aabe Wales ah iyo hooyo Zambian ah, ayaa sheegay in Wales ay hadda tahay "wadankii ugu horreeyay ee Yurub ee uu hoggaamiyo qof madow".

Gething ayaa la dhaarin doonaa isla marka uu Boqor Charles III ogolaado magacaabistiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM