Walid Muallem: Wasiirkii arrimaha dibadda Suuriya oo geeriyooday

Image

DAMASCUS, Syria – Wasiirka Arrimaha Dibadda Suuriya, Walid Muallem, ayaa geeriyooday, sidda ay Isniinta maanta ah warisay SANA, oo ah wakaalada wararka rasmiga ah ee faafisa macluumaadka dowliga ah ee waddankaas.

Warbixinta ay tabisay wakaaladda ayaa waxaanan shaaca looga qaadin sababta dhabta ah ee keentay dhimashadda mas'uulkaan.

Muallem oo ku dhintay da'da 79-sano jir ayaa wasiirka arrimaha dibadda dalkaas wuxuu ahaa tan iyo 11-kii Febraayo sanadkii 2006-dii.

Sidda ay sheegtay warbaahinta, Muallem wuxuu ahaa mid kamid ah taageereyaasha madaxweyne Bashar al-Assad ee colaadda Suuriya.

Caasimadda Suuriya ee Damascus ayuu ku dhashay 1941-dii, waxaana uu soo noqdey danjiraha Suuriya u fadhiya Mareykanka 1990 illaa iyo 1999.

Madax xil-haya, kuwa hore, siyaasiyiin caan ah iyo dadyow kale ayaa tacsi u diray qoyska uu ka geeriyooday, waxaana ay u rajeeyeen bedel wanaagsan.

Sidda ay xaqiijiyeen illo wareeydo xog ogaal ah, Faisal Mekdad oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu waddaa in uu bedelo Walid Muallem kaasoo horey soo noqdey ra'iisul wasaare ku xigeenka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo sheegay in Israa’iil dhisi doonto isbahaysi ka hortaga “xulafada Suniga iyo Shiicada”

Dhanka kale, Modi ayaa sheegay inuu si buuxda ugu raacsan yahay Netanyahu xoojinta xiriirka ka dhexeeya Hindiya iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    22-02-2026

  • 08:04PM

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM