Warbixin caalami ah oo musuqa la xiriirisay rabshadaha adduunka

Image

(GO) - Warbixin caalami ah oo ay soo saartay hay’adda la dagaalanka musuqa ee Transparency International ayaa lagu sheegay in musuqmaasuqa sii kordhaya ee adduunka uu aad sare ugu qaaday xasaradaha ka dhacaya daafadaha adduunka.

“Musuqa waxa uu dunideenan ka dhigay mid aad u halis badan, dowladaha waxa ay si joogto ah ugu guuldaraysteen in ay wax horumar ah ka sameeyaan arrinka, waxana ay tani sare u qaaddat rabshadaha iyo iska hor imaadyada, taasi oo halis galisay dadka oo dhan” ayay tiri Delia Ferreira Rubio oo ah guddoomiyaha Transparency International.

Waxa ay intaasi ku dartay in ay tahay in dowladaha ay u adeegaan dadweynaha ee aysan noqon kuwa kaliya u adeega dad yar oo gaar ah.

Hay’adda ayaa sanad kasta soo saarta diiwaanka dalalka iyo kaalmaha ay ka galeen heerka musuqa, iyada oo sanadkani dalka Dennmark uu galay kaalinta koowaad, isaga oo haysta 90 dhibcoon (100 dhibcood ayaa ugu sareysa).

Finland iyo New Zealand ayaa soo raaca, iyada oo dalal kale oo ay Britain ka mid tahay ay hoos u dhaceen.

Dalka Soomaaliya ayaa kaalinta ugu dambeysa kaga jirta dalalka oo 180 dal ah oo qiimeynta lagu sameeyay, waxayna Soomaaliya haysataa 12 dhibcoon oo kaliya, waxaana soo raaca Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya oo haysta 13 dhibcood.

Dalka Yeman oo haysta 16 dhibcood ayaa dadka cabasho ay ka qabaan musuqa waxaa ka dhashay mudaaharaadyo, taasina waxa ay horseeday in dowladdii oo dhan ay dunto, wax ka badan kala barna ay dadka cunto la’aan noqdaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM