Wareeg cusub oo u bilowday wadahadalada Iran iyo Sacuudiga

Image
Wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa waxaa xaqiijiyey saddex ilo-wareedo oo ku dhow dowlada Ciraaq.

TEHRAN, Iran — Sacuudi Carabiya iyo Iran ayaa mar kale ku kulmay Ciraaq, sida ay maanta sheegeen ilo-wareedyo gudaha oo dhowr ah, ayada oo ay xoogeysteen wada-hadallada lagu qaboojinayo xiisadda ka dhex-oogan.

Iran iyo Sacuudiga, oo isaga soo horjeeda dagaalo dhowr ah oo ka s socda Bariga Dhexe, ayey wada-hadallada u billowdeen bishii April, markii ugu horreysay tan iyo markii ay xiriirka kala goosteen 2016.

Wada-hadallada oo ay marti-gelienyso Ciraaq oo isku dayeysa inay noqoto dhex-dhexaadiyaha gobolka, ayaa waxaa la billaabay intii uu xukunka hayey madaxweynihii hore ee Iran Hassan Rouhani, oo bishii August uu beddelay Ebrahim Raisi.

Wada-hadallada ayaa horseeday “horumar dhab ah” oo ku saabsan amniga Gacanka, waxaa sidaas sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Iran Saeed Khatibzadeh, 23-kii September.

Wada-hadalladii ugu dambeeyey ayaa waxaa xaqiijiyey saddex ilo-wareedo oo Ciraaqi ah, oo dhammaantood codsaday inaan la magacaabin.

“Sarkaal Iranian ah ayaa Baghdad kula kulmay sarkaal Sacuudi ah, kadib kulamadii ay horey u yeesheen labada dal,” waxaa sidaas yiri il-wareed la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan dowladda Ciraaq iyo il-wareed ku dhow dowladda ayaa xaqiijiyey kulanka, ayaga oo aan bixin faah-faahin.

Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz, oo dhowaan khudbad u jeediyey Golaha Guud ee QM, ayaa sheegay inuu rajeynayo inay miro dhalaan wada-hadallada labada dhinac.

“Iran waa dal deris ah, waxaana rajeynayaa in wada-hadalladeena billowga ah ay hogaamin doonaan natiijooyin la taaban karo oo kalsooni lagu dhiso, oo ku dhisan xushmeynta qarannimada iyo faro-gelin la’aanta arrimaha gudaha,” ayuu yiri Boqor Salman.

AFP + VOA

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM