Wareega labaad ee wadahadalka Russia-Ukraine oo bilowday

Image
Labada kooxood ayaa is gacan qaaday ka hor inta aysan fadhiisan si ay u bilaabaan wadahadalkooda.

MOSCOW, Russia - Wadahadallada u dhaxeeya wufuudda Ruushka iyo Ukraine ayaa ka billowday meel aan la shaacin oo ku taalla xadka Ukraine.
Muuqaal kooban oo laga soo duubay ayaa muujinayay wafdiga Ukraine oo sii galaya qolka shirarka oo ay fadhiyeen wafdiga Ruushka.

Labada kooxood ayaa is gacan qaaday ka hor inta aysan fadhiisan si ay u bilaabaan wadahadalkooda. Waa wareegii labaad ee wadahadalka. Lataliyaha madaxweynaha Ukraine, Mykhailo Podolyak, ayaa Twitter-ka ku qoray, "Waa bilow wanaagsan".

Arrimaha ugu muhiimsan ee ajandaha waa;

1) Xabad joojin degdeg ah
2) Axdi lagu hakinayo dagaalka
3) In gargaarka bini'aadanimo uu helo marin

Dhanka kale, tobanaan milyan oo qof oo ku nool Ukraine ayaa ku jira "khatar dhimasho suurtagal ah" inta  uu jiro weerarka Ruushka, madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay.

Iyadoo dood degdeg ah ka furaysa golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ka fikiraya in la sameeyo guddi baara xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay Moscow, Michelle Bachelet ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.

"Shaqaalahayga ku sugan Ukraine waxa la soo xidhiidhay kooxo dhawr ah oo ka baqaya in la dhibaateeyo haddii ay ciidamada Ruushku soo baxaan, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan bulshada Crimean Tataarka ee ku nool dhul weynaha Ukraine, iyo sidoo kale difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee caanka ah iyo saxafiyiinta," ayay tidhi.

Geesta kale, ciidamada Ruushka ayaa isku dayaya in ay go'doomin ka abuuraan agagaarka Mariupol waxayna weerarayaan isku xirka tareenada si ay uga hortagaan dadka rayidka ah in ay ka baxaan magaalada muhiimka ah ee dekeda ah, duqa magaalada ayaa sheegay.

"Weerarayaashu waxay si nidaamsan oo habaysan isku dayayaan inay go'doomiyaan magaalada Mariupol," Vadym Boichenko ayaa ku yiri muuqaal la baahiyay.

Weeraradii joogtada ahaa ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa jaray biyihii iyo korontadii waxaana maamulka deegaanka uu u baahan yahay xabad joojin si loo soo celiyo awooda, ayuu hadalkiisa ku daray. Xukuumadda Mosocow wali kama jawaabin eedeynta kaga imaaneysa Boichenko.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM