Wasiir Israa’iili ah oo soo jeedisay in dib u dejin loo sameeyo shacabka Qasa

Image

QASA (GO) - Wasiirka Sirdoonka Israa'iil Gila Gamliel ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay dhiirigeliyaan in Falastiiniyiinta meel ka baxsan Qasa loogu sameeyo dib u dejin, halkii ay lacag u uruurin lahaayeen dib u dhiska Marinka.

Qoraal ay ku daabacay wargeyska Jerusalem Post, wasiir Gamliel, ayaa soo tiri, "Waa in dib u dejin loogu sameeya Falastiiniyiinta meel ka baxsan Qasa sababo bini'aadantinimo."

Wasiirka Israa’iil ayaa sidoo kale dhaleeceeyn u jeedisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka iyo Shaqada ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA).

Wadamada Carabta, gaar ahaan dalalka deriska la ah dhulka Falastiin, ayaa diiday fikradda ah in dadka deggan Qasa laga saaro Marinka lana dejiyo meel ka baxsan, iyaga oo xusay in tani ay la macno tahay "baabi’inta qadiyadda Falastiin."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM

Putin oo ku dhawaaqay in Ruushka tijaabinayo Hubka Nuclear-ka

Wararka ka imanaya Kremlin-ka waxay sheegayaan in Putin uu mar kale cadeeyay in haddii Maraykanku sameeyo tijaabooyinkan.

  • Caalamka

    06-11-2025

  • 07:52AM