Wasiir isu casilay carada ka dhalatay qaraxyadii ruxay caasimada Lubnaan

Image

BAYRUUT, Lubnaan – Wasiirka wasaaradda warfaafinta waddanka Lubnaan, Manal Abdel Samad, ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay baneysay xilkii ay ka haysay xukuumadda uu leeliyo ra'iisul wasaare Hassan Diab.

Samad oo warfidiyeenka la hadashay ayaa sheegtay in xukuumadda Diab ay ku fashilantay in ay wax ka qabato rabitaanka dadweynaha, sidaas darteedna ay muhiim tahay in ay shaqada ka tagto.

Is-casilaada Samad ayaa noqoneysa talaabadii ugu horeysay ee Golaha Wasiiradda qaadaan kadib qaraxyadii ruxay Bayruut.

Ugu yaraan 728 ruux ayaa ku dhaawacmay isku-dhacyo dhexmaray mas'uuliyiinta iyo kumanaan careysay oo isu soo bax ka sameeyay bartamaha Bayruut, kuwaas oo ku baaqayay in uu isbedel dhaco.

Hal sarkaal boolis ayaa ku dhintay rabashadaha oo si gaar ah looga soo wariyey agagaarka dhismaha baarlamaanka Lubnaan.

Diab ayaa Talaadadii sheegay in xalka kaliya ee wax looga qaban karo qalalaasaha Lubnaan uu yahay doorashooyin baarlamaani ah oo waqtigooda saxda ah laga soo horumariyo.

Inta illaa haatan la xaqiijiyey, 158 qof ayaa ku dhintay qaraxyadda, halka in ka badan lix kale ay ku dhaawacmeen. Hase ahaatee, waxaa la filayaa in ay kordhaan tirooyinkaan maadaama baadigoob uu socdo.

Shaqo ka tagida ay sameysay Manal Abdel Samad ayaa laga cabsi qabaa in ay xigaan wasiiro kale oo talaabo noocaas qaada, maadaama ay jiraan Xildhibaano madax-banaan oo horey isaga riday xubinimadooda golaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM