​Wasiir isu casilay weeraradii Brussels

Image

Weeraradii 22 March, 2016 ka dhacay dalka Belgium waxaa wali ka taagan doodo badan oo la xiriira dayacnaan ka jirta ammaanka dalkaasi iyadoo dhaleecayn loo soo jeediyay wasaaradaha qaybtood kuwaasi oo la sheegay inay iska indho tireen warbixin ay gudbiyeen baarayaal katirsan Midowga Yurub.

Doodaasi, waxay kalliftay inay booska banayso wasiirka gadiidka dalkaas Jacqueline Galant, oo ku andacootay inaysan wax xog ah ka hayn warbixinnada ku saabsan habacsanaanta ka jirta garoomada diyaaradah waddankaasi, iyadoo xustay inaysan helin qoraalka EU-da.

Dikuminti qarsoodi ah oo xogtiisa ay soo saareen baarayaal ka tirsan Midowga Yurub ayaa 2015 lagu ogaaday in ammaanka garoomada diyaaradaha Biljimka aanay xoogganayn.

Weerraradii ay kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah ku qaaday gagida dayuuradaha ee Zaventem iyo boosteejada tareenada laga raaco ee Brussels ayaa waxaa ku dhintay 32 qof.

Ra’iisul Wasaare Charles Michel, ayaa horay u difaacay Ms Galant, baarlamankana waxa uu u sheegay in xafiiskeeda uusan arag warbixinta muhiimka ah.

Wasiir Galant, ayaa iscasilaadiisa kusoo beegay xilli uu jiro walwal xooggan oo dalalka Yurub ka qabaan weerarada ISIS, waxaana qaraxyada Brussels dhaliyeen in la xoojiyo ammaankaa dalkaas gaar ahaan goobaha tareenada iyo diyaaradahu ka duulaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM