Wasiir lagu qasbay is-casilaad markii uu shaqaale u xoog-sheegtay

Image
Sir Gavin Williamson ayaa wasiir dowle ka ahaa dowladda cusub ee ra'iisul wasaare Rishi Sunak.

LONDON, UK - Sir Gavin Williamson ayaa iska casilay xilkii wasiirnimo ee dowladda UK ka dib markii lagu eedeeyay in uu sameeyay cagajugleyn, balse kal dambe sheegay inuu doonayo inuu iska fogeeyo "wax kasta oo khalad ah".

Xildhibaanka ayaa lagu eedeeyay inuu fariimo aflagaado ah u diray mudane ka tirsan xisbiga muxaafidka bishii hore iyo inuu u xoogsheegtay shaqaale sare oo dawladeed intii uu ahaa xoghayaha difaaca.

Sir Gavin wuxuu "diidey" in hab-dhaqankiisa saxda ah uu sidaas yahay. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu intaa ku daray in sheegashadaasi ay noqonayso "mid ka leexinaysa" shaqada wanaagsan ee dawladda.

Waraaqda istiqaalada ayuu ku xusay inuu kaga tagayo dawladda "murugo dhab ah" laakiin wuxuu u soo bandhigay "in uu taageero buuxda u hayo ra'iisul wasaare Rishi Sunak".

Kadib shaqo ka tagida, Twitter-ka ayuu ku caddeeyay in uusan qaadan doonin wax guno ah, taas badalkeeda wuxuu adkeeyay in wax laga qabto miisaaniyadda shaqaalaha caafimaadka.

Mr Sunak oo ka jawaabay is-casilaadda Sir Gavin ayaa wuxuu sheegay inuu aqbalay istiqaaladiisa wuxuuna uga mahadceliyay Sir Gavin "taageerada shaqsi ahaaneed iyo daacadnimada".

Sir Gavin waxa uu la kulmay cadaadis isa soo taraya tan iyo markii fariimo qoraal ah oo taxane ahaa oo uu u diray saaxiibkii ay isku xisbiga yihiin iyo madaxa Whip Wendy Morton kuwaasoo lagu daabacay majaladda Sunday Times.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo kordhiyey joogitaankiisa ciidan ee Bariga Dhexe, iyadoo cadaadis lagu saarayo Iran

Warqad ay Iran u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayay ku sheegtay inaysan…

  • Caalamka

    20-02-2026

  • 11:40AM

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM