Wasiir shaqada laga joojiyay kadib kulan ay la yeelatay mas’uul Israa’iili ah

Image

TRIPOLI, Libya - Madaxa Xukuumadda Libya Abd al-Hamid al-Dabaiba ayaa shaqada ka joojiyey wasiirkii arrimaha dibadda Najla al-Manqooush, waxuuna u gudbiyay baaritaan, sababo la xiriira kulan ay la qaadatay wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Eli Cohen.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ay shaaca ka qaaday kulan oo wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil iyo dhiggiisa Libya ku dhex maray caasimadda Talyaaniga ee Rome, inkastoo uusan jirin xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dhinac.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda Libya ayaa sheegtay in wixii ka dhacay Rome uu ahaa kulan aan rasmi ahayn oo aan loo diyaar garoobin, isla markaana aan lagu kala saxiixin wax heshiis ah.

Kulankan oo uu dhexdhexaadinayey wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani, ayaa ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ay yeeshaan wasiirrada arrimaha dibadda ee Liibiya iyo Israa’iil.

War saxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Israa’iil Eli Cohen oo kala hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya xiriirka labada dal.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dhaxalka Yuhuudda Liibiya oo ay ku jiraan dib u habaynta qabuuraha Yuhuuda ee ku yaala dalka sida ay hadalka u dhigeen.

GAEOWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM