Wasiirad hore xabsi loogu xukumah in ay kala geysay lamaaneyaal

Image
Stojberg ayaa lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay xeerka xuquuqul insaanka ee Yurub

LONDON, UK - Wasiirkii hore ee socdaalka Denmark ayaa lagu xukumay labo bilood oo xarig ah ka dib markii maxkamad gaar ah ay ku heshay dambi ah inay si sharci darro ah u kala geysay dhowr lamaane oo magangalyo doon ah halka xubinta dumarka ah ay ahayd mid aan qaan gaarin.

"Inger Stojberg waxaa lagu helay dambi ah inay si ula kac ah ugu xad gudubtay sharciga mas'uuliyadda wasiirka," ayay maxkamadda dambiyada ee Realm ku tiri hadal ay soo saartay Isniintii, iyadoo intaas ku dartay in ciqaabta la dhigay 60 maalmood oo xabsi ah.

Stojberg ayaa lagu eedeeyay in uu ku xad-gudbay xeerka xuquuqul insaanka ee Yurub iyadda oo amray in la kala saaro lamaanayaasha magan-galyo doonka ah oo qaarkood ay caruur dhaleen, iyadoo xubinta dumarka ah ay ka yar tahay 18 jir.

Wasiirkii hore waxay ku adkeysatay in aanu wax danbi ah gelin iskana fogeysay dacwadda gaarka ah ee bilaabatay Sebtembar.

Sannadkii 2016-kii, 23 lammaane oo intooda badan da’doodu aad u yarayd, ayaa la kala saaray iyada oo aan si gaar ah loo baadhin kiiskooda, iyaga oo raacaya tilmaamaha wasiirka. Ka dib waxaa la dhigay xarumo kala duwan iyadoo kiiskooda la baarayo.

Intii ay xilka haysay, waxa ay sidoo kale ansixisay sharci ogolaanaya in lala wareego hantida muhaajiriinta si loogu maalgeliyo daryeelkooda inta ay joogaan Denmark.

Waa markii saddexaad ee tan iyo 1910 kii siyaasi loo gudbiyo maxkamadda gaarka ah gudaha Danmark, taasoo loogu talagalay in lagu maxkamadeeyo wasiirro ku kacay wax-is-daba-marin ama dayacaad inta ay xilka hayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM