Wasiirka amniga xagjirka ah ee Israa'iil oo ku dhaawacmay shil baabuur

Image
Ben-Gvir ayaa si weyn waxaa loogu yaqaanaa hadalo naceyb ka dhan ah shacabka Falastiin.

DOOXA, Qadar - Telefishinka Al Jazeera Carabiga ayaa faafiyey muuqaalo la xaqiijiyay oo muujinaya gaariga wasiirka Israa’iil Itamaar Ben-Gvir uu ku rogmaday shil baabuur kadib markii uu shiday nal cas.

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in shilkan uu dhacay xilli wasiirka amniga qaranka mayalka adag uu booqanayay magaalada Ramle ee Israa’iil halkaas oo la sheegay in subaxnimadii hore ee maanta qof dumar ah lagu tooriyeeyay.

Ben-Gvir ayaa xalay lagu daweeyay cisbitaalka dhaawacyo fudud, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah, oo sheegtay inuu "si joogto ah ugu amrayo darawalkiisa inuu sameeyo xadgudubyo taraafikada".

Mid ka mid ah gabdhaha Ben-Gvir ayaa sidoo kale saarnaa gaariga waxaana ku dhaawacmay darawalka iyo qof ilaalo u ahaa, sida ay wararku sheegayaan.

Ben-Gvir ayaa si weyn waxaa loogu yaqaanaa hadalo naceyb ka dhan ah shacabka Falastiin, iyadda oo taas ay sababtay inuu foolaad u noqdo dagaalka Yahuuda ay ka wadaan dhulka la haysto ee Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM