Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka oo ku wajahan Israa’iil

Image

WASHINGTON - Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa sheegay in xoghaye Anthony Blinken uu u safri doono Israa’iil Arbacada si uu ula kulmo madaxdeeda sare, ka dib weerar aan horay loo arag oo ay ku qaadeen ururka Xamaas.

Miller ayaa ku yiri shir jaraa'id: "Wuxuu doonayaa inuu ka maqlo hoggaamiyeyaasha Israa'iil, inuu si toos ah uga dhagaysto xaaladda ay wajahayaan, waxa ay u baahan yihiin iyo sida ugu wanaagsan ee aan u taageeri karno.”

Miller waxa uu intaa ku daray in Blinken uu iman doono Israel Khamiista, ka dibna uu aadi doono Urdun si uu ula kulmo madaxda dalkaas.

Xamaas ayaa Sabtidii weerar lama filaan ah ku qaaday Israa’iil, halkaas oo ay ku dishay 1,200 oo Israa’iiliyiin ah, tobanaan kalena ay qafaasheen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM