Wasiirka Dalxiiska Israel oo soo gaaray Boqortooyada Sacuudiga

Image

RIYAAD - Xafiiska Wasiirka Dalxiiska Israel ayaa sheegay in Wasiir Haim Katz uu u safray Sacuudiga si uu uga qeyb galo shir ay maanta qabaneyso Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Dalxiiska ee Israa’iil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Katz uu yahay wasiirkii ugu horreeyay ee taga Sacuudiga, iyadoo xustay inuu ka qeybgeli doono shir ka dhici doona magaalada Riyaad ee xarunta Qaramada Midoobay ee Dalxiiska Adduunka.

Katz ayaa yiri: "Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan u abuuri lahaa iskaashi si kor loogu qaado dalxiiska iyo xiriirka dibadda ee Israel,"

Sida laga soo xigtay xafiiska wasiirka, Katz ayaa loo qorsheeyay in uu kulamo la yeesho "wasiiro", iyada oo aan la sheegin dalalka ay kasoo jeedaan shirarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM