Wasiirka Difaaca Ingiriiska oo booqasho ku tagi doono Falastiin

Image
Dowladda Ingiriiska ayaa booqashadan diirada ku saari doonto kordhinta gargaarka la siinayo dadka Qasa.

LONDON (GO) - Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in Xoghayaha Difaaca Grant Shapps uu booqan doono Isreal iyo Daanta Galbeed todobaadkan si uu ugala hadlo sidii loo kordhin lahaa gargaarka la gaarsiiyo Marinka Qasa.

Dowladda Ingiriiska ayaa bayaan ku sheegtay in booqashada diirada lagu saari doono kordhinta gargaarka la siinayo dadka rayidka ah ee ku sugan marinka Qasa & taageerada maamulka Falastiiniyiinta”.

Shapps ayaa yiri, sida laga soo xigtay mareegaha dowladda: "Waxaan si buuxda u taageersanahay xaqa ay Israa'iil u leedahay inay is difaacdo, laakiin waxaa muhiim ah in dagaalka ay kula jirto argagixisada Xamaas uu waafaqo sharciga caalamiga ah.”

Waxaa uu intaas raaciyay: "Waxaan 1,000 askari oo dheeraad ah geynay Bariga Dhexe, iyo ciidamadeenu waa joogaan si ay u taageeraan dadaallada gargaarka bini'aadantinimo, gacanna ka geystaan ​​xasilinta gobolka."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM