Wasiirka maaliyada Qadar oo loo xiray tuhun musuqmaasuq

Image

DOOXA, Qadar - Dacwad-oogaha guud ee Qatar ayaa wuxuu amar ku bixiyay in la soo xiro wasiirka maaliyadda, sidda ay ku warantay warbaahinta dowladda Khamiista maanta ah, 6-da May, sanadka 2021.

Sida ku xusan warbixinta, xariga ayaa salka ku haya si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira ku takri-fal awoodeed iyo ku takri-fal hanti dowladeed oo ka dhacday waddanka hodanka ku ah tamarta.

Baadhitaanka, iyo nooca dacwadda ka dhanka ah Ali Sharif al-Emadi, oo jagadda qabtay wasiirka maaliyadda ilaa sanadka markii uu ahaa 2013-dii, ayaa si dhakhso ah loosoo bandhigin.

Al-Emadi oo wali aan ka hadlin xariga lagula kacay ayaa wuxuu caan ka noqday dalkan dhaca Khaliijka kadib markii uu door weyn ka cayaaray kobcinta Bankiga Qaranka ee Qatar.

Bayaanka kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qadar ayaa lagu waxaa lagu caddeeyay in mas'uuliyiinta ay baarayaan dambiyada la soo sheegay ee la xiriira kaalintiisa guud.

"Xeer ilaaliyaha guud wuxuu amar ku bixiyay in la soo xiro Wasiirka Maaliyada Cali Shariif Al-Emadi si loo baaro waxa lagu xusay warbixinada oo la xiriira dambiyada ku saabsan ku shaqeynta xafiis dowladeed, kuwaas oo waxyeelo u geysanayay hantida dadweynaha, ku takrifal xafiiska dowladda, iyo… awood," ayay tiri wakaalada wararka Qadar ee QNA.

Telefishinka ku hadla afka dowladda Qadar ayaa intaas wuxuu ku daray in xarigaan uu ka dambeeyay markii xeer-ilaalinta ay aragtay caddeymo ay kamid yihiin dukumiintiyo. Balse, ma bixin tafaasiil.

Xariga masuuliyiinta heerka sare ah ee looga shakisan yahay dambiyadda musuqmaasuq waa dhif iyo naadir si gaar ah marka la joogo wadamadda boqorada haystaan ee Carabta oo ay kamid tahay Qatar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM