Wasiir Soomaali ah oo markale lagu daray Xukuumadda Trudeau

Image

TORONTO - Ahmed Hussen waxa uu sii ahaan doonaa golaha wasiirada ee Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau isaga oo kasoo muuqday xukuumadda cusub ee lagu dhawaaqay.

Axmed oo ah Soomaali qaxootinimo ku helay Canada burburkii kadib, ayaa loo magacaabey wasiirka guryaynta, kadib markii isku shaandhayn lagu samayn dhawr wasaaradood, oo muhiim ah, iyadoo lagu soo daray wasiiro cusub.

Golaha wasiirada cusub ee Trudeau ayaa lagu soo bandhigay xaflad dhaarin ah oo ka dhacday Ottawa Maalintii shalay oo Talaado ahayd.

Xuseen waxuu soo qabtay jagooyinka Golaha wasiiradda isagoo ah wasiirka socdaalka iyo horumarinta bulshada ee dawladdii liberaaliga ee Trudeau.

Wasaaradda guriyeynta ee loo dhiibay Axmed Xuseen waa mid ka mid ah wasaaradaha cusub ee ay abuurtay dawladda Trudeau.

Xuseen ayaa bishii hore ka adkaadey musharaxa ka tartamaysa xisbi kale oo lagu magacaabo Xaawa Mire, oo ah Soomaali-Canadian ah si uu u helo markii saddexaad xildhibaan federaal ah York South-Weston. Waxa uu ku matalayay xaafadda Aqalka Baarlamaanka ilaa 2015.

Wasiirka waxa uu Canada ku yimdi qaxooti ahaan isaga oo 16 jir ah kahor inta aanu qareen iyo lataliye u noqon Ra'iisul wasaarihii hore Dalton McGuinty.

Isku soo wada duuboo, golaha wasiirada cusub ee Trudeau ayaa ku daray sagaal wasiir oo cusub halka ay xilalka ka qaadeen saddex wasiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM