Wasiirkii arimaha gudaha Kenya oo la eryey iyo taliyihii booliska oo is casiley

Image

December 2, 2014 (GO)- Kadib weerarkii dadka badan lagu laayey ee gelinkii hore ee maanta ka dhacay degmada Mandheera ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo goor dhoweyd shir-saxaafadeed ku qabtay madaxtooyada Nairobi wuxuu sheegay inuu xilka ka qaaday Wasiirkii Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka kenya Joseph Ole Lenku.

Kenyatta ayaa shirkiisa jaraa'id ku faah faahiyey sababta uu go'aankaas u qaatay isoo sheegay inuu la xiriiro ammaanka sii xumaanaya, weerarradii dadka badan lagu diley ee Al-shabaab ka geysatey gudaha Kenya iyo weliba habacsanaanta ka jirta dhanka laamaha ammaanka Kenya.

Madaxweynaha Kenya wuxuu intaas ku daray in Joseph Ole Lenku oo muddo labaatan bilood ah xilkaas soo hayey lagu bedeley Joseph Nkaissery oo ah jeneraal horay ciidamada Kenya uga tirsanaa hadase ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka kana soo galay xisbiga ODM.

Dhanka kale waxaa isla maanta is casiley taliyihii hore ee booliska Kenya David Kimaiyo isagoo istiqaaladiisa usoo gudbiyey Madaxweyne Kenyatta oo isagu si deg deg ah is casilaadiisa ku aqbalay.

Ammaanka dalka kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya aya dhinaca Soomaaliya usoo tallaabeen.

Muddo toban maalmood gudaheed ah waxaa gobolka Waqooyi Bari Kenya oo xad laleh Soomaaliya lagu diley in ka badan lixdan qof oo rayid ahaa.

Weerarkii ugu dambeeyey oo dhacay goor hore oo saaka ahayd islamarkaana lala beegsaday goob dhagaxa laga jebiyo oo ku taalla duleedka Mandheera waxaa ku geeriyoodey 36 qof.

Al-shabaab oo horay u sheegatay mas'uuliyada weerarkii lagu diley dadkii ku safrayey baska ayaa sidoo kale sheegatay inay ka dambeysey weerarka saaka dhacay.

Testing 2Wasiirka Amniga Keyna

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Sababta Israa’iil iyo Iiraan uga Baqayaan Dagaal Toos ah?

Julien Barnes-Dacey, agaasimaha Bariga Dhexe ee Golaha Yurub ee Xiriirka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:41PM

ICC oo amar dul-dhigtey Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee difaaca

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku dhawaaqday amar lagu xirayo oo ka…

  • Caalamka

    21-11-2024

  • 02:14PM