Wasiirkii Maaliyadda Turkiga oo isu casilay sababo caafimaad

Image

ANKARA, Turkey – Wasiirkii Maaliyadda Turkiga, Berat Albayrak, ayaa Axada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu isu casilay sababo caafimaad, sidda ku yiri qoraal uu soo dhigay ciwaanadiisa baraha bulshadda.

Albayrak ayaa sheegay in uu waqti la qaadan doono qoyskiisa kadib markii uu wareejiyo xilka uu waqti xaadirkaan ku fadhiyo.

Laba kamid ah afhayeenadda Albayrak ayaa xaqiijiyey in ciwaanada lasoo dhigay bayaanka uu leeyahay wasiirka balse waxay ka gaabsadeen in ay caddeeyeen sax ahaanshiyaha war-saxaafadeedka lama filaanka ah.

Is-casilaada wasiirka ayaa timid xilli madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu si lama filaan ah ku eryay Gudoomiyihii Baanka Dhexe, Murat Uysal, isla markaana uu ku bedelay 52-jir wasiirkii hore ee maaliyada, Naci Agbal.

"Waxaan go'aansaday in aan sii wadin waajibaadkeyga wasiiranimo kadib shan sano oo xaan xafiiska joogay sababo caafimaad darteeda," ayuu yiri. "Waxaan waqti la qaadan doonan, hooyadey, aabahey, xaaskeyga iyo caruurteyda kuwaasoo si daruuri ah iiga dayacmay sanado badan".

Madaxtooyadda Turkiga ayaan wali ka hadlin go'aanka Albayrak kaasoo kamid ahaa xubnaha aadka ugu dhow madaxweyne Erdogan.

Albayrak oo qaba gabadha Erdogan ee Esra ayaa Golaha Wasiirada kamid ahaa tan iyo 2015-kii. Wasiirka Tamarta ayuu ahaa kahor inta uusan la wareegin Xilka ugu sareeya ee dhanka Dhaqaalaha sanadkii 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM