Wax ka ogow qorshaha wadamada Carabta ee lagu soo afjarayo dagaalka Qasa

Image
Wadamada Carabta ayaa soo jeediyay in ay ciidamo u tababaraan Falastiin si ay ula wareegaan amaanka Qasa.

Qasa (GO) - Shan dal oo Carbeed ayaa wada qorshe lagu soo afjarayo dagaalka Qasa, isla markaana loogu gogol xaarayo sidii loo dhaqan gelin lahaa xalka labada dowladood, taasoo Israel ay diidantahay, sida uu qoray wargeyska “Wall Israel Journal”.

Qorshaha ay soo jeediyeen Wadamada Carabta ayaa ka hadlaya sida Qasa laga sameyn lahaa dagaalka ka dib, iyaga oo diidaya in ay Israa'iil ay la wareegto mas'uuliyadda amni ee marinka.

Wadamada Carabta ayaa soo jeedinaya in ay tababaraan ciidamada ammaanka Falastiin si ay gacan uga geystaan ​​dib u soo nooleynta maamulka Falastiiniyiin. 

Maamulkaas ayaa la doonaya ugu dambeyntii inuu gacan ka geysto ​​qabanqaabada doorashooyin loo dhan yahay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Sacuudiga iyo Masar ayaa sheegay inay weli ku howlan yihiin qorshahan ayna rajeynayaan inay soo gaba-gabeeyaan toddobaadyada soo socda.

Soo jeedintan oo loo gudbiyay Israa’iil iyadoo la sii marinayo Mareykanka, ayaa ah qorshihii ugu horreeyay oo ay wadajir u sameeyaan dalalka Carabta si loo soo afjaro dagaalka ka socda Marinka go’doonsan ee Qasa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM