Weerar ay Xuutiyiinta ku qaadeen Sacuudi Carabiya oo laga hortagay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Weerar ay Xuutiyiinta isku dayeen in ay ku qaadaan Sacuudiga iyagoo adeegsanaya diyaarada aan duuliyaha lahayn ayaa la fashiliyey, sidda uu sheegay Xulafada Carbeed ee Yemen ka dagaalamaya.

Korneyl Turki al-Maliki, afhayeenka xulafada oo tibaaxay in sidoo kale ay burburiyeen drone-ta, ayaa Talaadada maanta ah wuxuu sheegay in falaagada hubeysan ay si bareer ah u sii wado beegsiga boqortooyadda.

Weerarkan la sheegay in laga hortagay ayaa wuxuu qayb ka yahay taxaneyaal guluf oo kooxda ay Iiiraan taageerto qaadey asbuucyadii u dambeeyay.

Isniintii, isbaheysiga wuxuu wariyey in ay ka hortagaan isla markaana ay burburiyeen diyaarad drone oo lagu soo rakibay qaraxyo kuna wajahneyd jihada Sacuudiga. Sawirro laga soo qaadey ayaa muujiyey burbur culus.

Xuutiyiinta ayaa doonaya in Sacuudiga iyo wadamada kale ee ku wehliya faragelinta Yemen ay gabi ahaanba isaga hayaamaan waddankaas.

Marka laga soo tago sheegashooyinka xulafada Sacuudiga hogaaminayo, ma jiraan war kasoo baxay dhanka Xuutiyiinta. Labada dhinac waxay si joogto ah hawada isugu mariyaan weeraro iyo hadalo hurinaya colaadda.

Xuutiyiinta ayaa haatan waxay si buuxda u maamulaan magaala madaxda Sanca, halka dowladda uu caalamka aqoonsan yahay uu fadhigeedu yahay magaalada Cadan, halkaasoo howlgalada diblumaasiyiinta ay fariisin u tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo soo bandhigay awooddiisa ciidan xilli xiisad kala dhaxayso Mareykanka

Ciidamadeennu waa kuwo u taagan ilaalinta midnimada dhulka Shiinaha, ilaalinta danaha qaranka, iyo xasilinta gobolka.

  • Caalamka

    04-09-2025

  • 08:53AM

Trump: “Kama walwalsani isbaheysiga Shiinaha iyo Ruushka ee ka dhan ah Maraykanka”

Trump, oo ololihiisa doorashada ku saleynaya ballanqaadka inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ruushka ee Ukraine.

  • Caalamka

    03-09-2025

  • 06:42AM