Weerar ka dhacay Jerusalem oo shan qof lagu diley

Image

November 18, 2014 (GO)- Shan qof oo Israa'iiliyiin ahaa ayaa ku geeriyoodey afar kalena way ku dhaawacmeen weerar goor hore oo saaka ah lagu qaaday kaniisad ku taalla galbeedka magaalada Jerusalem (Qudus). Weerarka waxaa geystey labo nin oo ku hubeysnaa baaskoolad, mindiyo iyo faasas.

Labada nin oo Falastiiniyiin ahaa waxay xoog ku galeen kaniisadda kadibna si aan kala sooc lahayn u weerareen qaar kamid ah dadkii halkaas ku cibaadeysanayey.

Booliska Israel oo daqiiqado kadib goobta soo gaarey ayaa toogasho ku diley labadii nin ee weerarka geystey. Dhanka kale booliska Israel ayaa sheegay inay ku raad joogaan dhowr qof oo arintan lala xiriirinayo.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii isla magaalada Jerusalem lagu diley nin dhallinyaro ahaa oo Falastiin u dhashay laguna magacaabi jirey Yuusuf Al-ramooni, kaasoo kooxo xagjir ah oo Israa'iiliyiini ahi xarig ku ceejiyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM