Weerar ka dhacay Sydney Australia

Image

Boliiska magalada Sydney ee waddanka Australia, ayaa sheegaya inuu soo dhammaaday howlgal muddo qaaday oo ka dhacay magalada, kadib markii nin hubaysan labo qof ku dhaawacay warashad ku taalla Koonfur Galbeed magalada oo lagu magacaabo Ingleburn.

Ninkan, ayaa laamaha ammaanku xaqiijiyeen inuu is-dilay, kadib markii muddo badan Boliisku is horfadhiyeen, waxaana wararku intaasi ku darayaan inay socdaan baaritaano la xiriira falkan iyo hubinta inuu afduub u haystay dad kale.

Labo qof oo ninkaasi dablayda ahaa dhaawacay, ayaa loo qaaday Cusbital lagu magacaabo Liverpool Hospital, waxaana la sheegay in mid kamid ah oo xaaladiisu liidatay loo sameeyay qaliin deg deg ah, halka kan kale dhaawac fudud soo gaaray.

Sawirro goobta laga qaaday ayaa muujinaya Boliis aad u hubaysan oo ku hareeraysan warshadda Inline National Signage iyo wax la moodo mayd maro cad lagu duubay oo yaalla wadada dhinaceeda.

Wararka, ayaa intaasi ku daraya in la xiray qof kale oo rag ah kaasi oo is hortaag ku sameeyay Boliiska howlgalka ku jiray.

Majirto faah-faahin kale oo ku saabsan ninkaasi iyo sababta falkaasi ku kaliftay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM