WHO oo dooneya in Shiinaha ay ka baaraan sida uu ku bilawday Virus-ka Corona

Image

BEIJING, Shiinaha - Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa xaqiijiyay in hay’addu ay diyaar u tahay inay koox cusub oo baarayaal ah u soo dirto Shiinaha si ay u baaraan asalka cudurka Coronavirus,

Wuxuuna ugu baaqay Beijing inay muujiso hufnaan dhanka wadaagista xogta, baaritaannada, iyo natiijooyinka.

Agaasimaha ururka ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay wargeyska “Financial Times” oo la daabacay Axadii, "Waxaan ku cadaadineynaa Shiinaha inay na siiso fursad buuxda."

Wuxuuna sidoo kale ka codsaday wadamada inay soo bandhigaan arrintan inta lagu jiro shirarka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin Beijing.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in hay’addu ay hore qoraal ugu dirtay Shiinaha oo ay kaga codsanayso inay bixiso macluumaadka la xiriira halka uu Virus-ku ka yimid, isagoo sharraxay sida ay diyaarka ugu yihiin inay soo diraan koox arrintan baaro haddii ay ogolaato Beijing.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM