WHO oo farta ku fiiqday "asalka" uu ka dhashay safmarka Coronavirus

Image

NEW YORK, US – Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in "asalka" uu ka dhashay Coronavirus uu yahay mid dabiici ah, oo uusan ahayn gacan ku sameys.

Michael Ryan, oo ah madaxa howlgalada ee WHO, ayaa wuxuu biyo qabow ku shubay hadalheyn meelmihii dambe aad u xoogeysatay.

"Waxaan xaqiijineynaa in asalka fayruskaan uu yahay mid dabiici ah," ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo lagu qabtay xarunta Hay'adda, isagoo ku nuux-nuux saday in mowqifkooda uu sidaasi yahay.

Maalin kahor ayay ahayd markii Trump uu ka shanqariyey in uu arkay caddeymo muujinaya in safmarkaan lagu sameeyay sheybaar ku yaala gudaha Shiinaha, wallow uusan soo bandhigin.

Khuburada caafimaadka ayaa waxay rumeysan yihiin in caabuqaan dilaaga ah uu kasoo gudbay xayawaanka kuna daartay bini'aadamka.

Suuq mashquul ah oo lagu iibiyo xayawaanka duurjoogta ee magaalada Wuhan, bartamaha Shiinaha, ayaa farta lagu fiiqayaa in ay yahay meesha uu asal ahaan kasoo bilowday cudurka dilaaga ah.

Trump ayaa tan iyo markii uu dilaacay xanuunkan wuxuu ku eedeynayey China, oo si joogta ah isaga fogeysa tuhunka la dul-dhigay. Hadalka WHO ayaa wuxuu wiiqayaa dooda xukuumadda Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Kordhiyay Xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan

Go’aanka ayaa yimid iyadoo wareeg cusub oo wadahadallo ah la filayay, balse xaaladda ay weli mugdi ku jirto.

  • Caalamka

    22-04-2026

  • 07:54AM

Trump oo Hanjabaad Culus u Diray Iran xilli ay diiday Wadahadalka Pakistan

Mohammed Bagher Qalibaf, oo ah madaxa gorgortanka Iran, ayaa si cad u diiday hanjabaadda Trump, isagoo barta X ku qoray...

  • Caalamka

    21-04-2026

  • 02:35PM