WHO oo habraac kasoo saareysa duulimaadyada xilliga Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayaa sheegtay in maalmaha soo aadan ay soo bandhigeyso talaabooyin ay tahay in la qaado si looga hortago Covid-19 marka la galayo safar diyaaradeed.

Mike Ryan, oo kamid ah tirsan kooxda gaarka ah ee WHO u saartay xakameynta faafitaanka xanuunka, ayaa caddeeyay in talaabadan ay u qaadayaan maadaama dowladaha caalamka qaadayaan bandowga.

Mr Ryan, oo ah madaxa guud ee waaxda gurmadka deg-dega WHO, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in khatarta xanuunka ay jirto.

"Xaaladu ma salana….walina halista ay jirtaa," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo warbaahinta caalamka uu ugu qabtay qaab online ah.

Dhanka kale, kiisaska guud ahaan caalamka ee Coronavirus ayaa qarka u saaran in ay gaaraan sagaal milyan, iyaddoo ku dhowaad shan milyan ay ka bogsadeen xanuunka, in ka badan 467,000 u dhinteen.

Saadaasha ayaa muujineysa in 24-ka saac ee soo aadan ay soo kordhi karaan kumanaan kale oo kiisas ah, maadaama kororka maalinlaha ah uu wali yahay mid jira, wallow soo kabashaa ay isa soo tareyso.

Duulimaadyadda ayaa waxay kamid yihiin mid kamid ah meelaha uu sidda ba'an u saameeyay fayruska maadaama la xusay in isu socodka dadweynaha ay kamid yihiin qaababka uu ku faafo caabuqaan dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM