Wiil Soomaali ah oo lagu dilay New Zealand

Image

AUCKLAND - Caasimadda dalka New Zealand ee Auckland waxaa shalay barqadii lagu dilay Wiil Soomaali ah, kaasoo da'diisu lagu qiyaasay inta u dhaxaysa 20 illaa 30 sano.

Wiilkan oo kasoo jeeda degaanada Puntland ayaa dilkiisa loo adeegsadey rasaas ama xabad, iyadoo lagu soo waramayo inay kooxdiisa dishay oo aan la aqoon ay ka baxsadeen goobta.

Falkan dilka oo ka dhacay xaafad cusub oo dhawaan la dejiyay ayaa cabsi ku beeray Jaaliyadda Soomaalida degan New Zealand, oo sheegay in falkan uu booliska baaritaan ku sameynayo, si cadaaladda loo soo taago kuwa dilay.

Magaaladda Auckland ayaa ka mid ah magaalaayinka ay Soomalida ugu badan ee dalka New Zealand ay deganyihiin, iyadoo sanadihii dambe laga cararay kadib markii falalka beegsiga ah kusoo bateen.

Soomaalida ayaa qaarkood u guurey dalka Australia, si ay carruurtooda u helaan nabad ay ku noolaadaan, waxba ku bartaan maadaama ay yihiin kuwa ka dhaqan iyo diin duwan bulshadda kale ee ay la nool yihiin.

Bishii March 15, sanadkii 2019 nin hubeysan oo nacaybka Islaamka madaxa maray ayaa toogasho ka fuliyay labo Masjid oo ku yaalla magaaladda Christchurch, ee dalka New Zealand, isagoo dilay 51 qof oo Muslim ah oo ku jiray salaadda Jimcaha.

Ninkan oo kasoo jeeda dalka Australia ayaa la qabtay, waxaana uu ku jiraa xabsi ku yaalla dalkan, iyadoo xukuno kala duwan dhawaan lagu riday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM