Wiilka Xasan Sheekh ee dilka loo haysto oo ka baxsadey Turkiga

Image
Mohammed Hassan Sheikh Mohamud ayaa gaari uu watay ku jiiray mootoole Yunus Emre Gocer 30-kii November.

ANKARA, Turkey - Wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in uu baxsaday kadib markii uu sababay shil gaari oo ka dhacay xaafadda Fatix ee magaalada Istanbul, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.

Mohammed Hassan Sheikh Mohamud ayaa gaari uu watay ku jiiray mootoole Yunus Emre Gocer 30-kii November, sidda ay tabisay warbaahinta Turkida oo soo xiganaysa warbixinta rasmiga ah ee booliska.

Wargeyska Hurriyet ayaa wariyay in Gocer uu dhaawac culus kasoo gaarey madaxa markii uu si xun ugu dhacay baabuurka. Dhakhaatiirta caafimaadka oo goobta soo gaaray ayaa u qaaday isbitaalka.

Laakiin Gocer, oo ah aabbe leh laba carruur ah, ayaa dhintay shilkaas 6-dii Disembar. Qoyskiisa ayaa waxa ay dalbanayaan in uu helo cadaalad isla markaana ay doonayaan magdhow.

Warbixinta booliiska ee shilkan ayaa lagu caddeyay in darawalka mootada uusan ku xad-gudbin sharciyada waddooyinka. Darawalka gaariga ayaa la ogaaday in uu qaladka lahaa.

"Booliisku waxay sii daayeen Maxamuud iyada oo aan wax shuruudo dammaanad ah lagu soo dayn ka dib markii ay baadhitaano horudhac ah ku sameeyeen shilka," ayuu yidhi wargeyska maalinlaha ah ee Cumhuriyet.

Gaariga uu watay wiilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay lahayd safaaradda xukuumadda Muqdisho ay ku leedahay magaalada Istanbul wallow eedeysanaha uusan diblumaasi ahayn.

Turkiga ayaa si is-daba joog ah u kordhiyey joogitaankiisa Soomaaliya tobankii sano ee la soo dhaafay, waana dalka Geeska Afrika ee hormuudka ka ah dhaqaalaha, gaar ahaan dhinacyada dhismaha, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ankara ayaa Soomaaliya u ahayd isha ugu muhiimsan ee gargaarka bini'aadantinimadda kadib abaartii 2011. Injineero Turki ah ayaa gacan ka geystay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Sidoo kale, shirkado ganacsi oo maalgashi ku sameeyay Soomaaliya halka saraakiil Turki ah ay tababar heer sarre ah siiyeen askar Soomaaliyeed, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu dhisayo ciidamada dalkan dhaca Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM