Xaalada haweenay Hindi ah kuna sugan Soomaaliya oo laga dayriyey

Image

HYDERABAD, Hindiya – Waalidiinta haweenay u dhalatay Hindiya taasoo ay sheegeen in uu guursaday nin ku nool Soomaaliya ayaa ka dayriyey xaalada gabadhooda, sidda uu lagu daabacay bogga maxaliga ah Pledgetimes.com.

Qoyskan ku dhaqan caasimadda gobolka Hyderabad ee Telangana ayaa ku waramay in Inantooda ay seygeeda kala kulmeyso tacadi fara badan.

Dowladda dhexe ee waddanka Hindiya ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay ka shaqeyso sidii ay dib ula midoobi lahaayeen gabadhooda.

"Ninka guursaday waa muwaadin Soomaali ah. Wuxuu gabadheeda la guursaday haweenay kale oo ay u dhashay laba ruux, iyaddoo xaaskiisa koowaad ay u hayso afar. Nolosha gabadheeda waxay ku jirtaa halis," ayaa laga soo xigtey.

Qaylodhaanta waalidiinta ayaa kusoo hagaageysa xilli maalmihii lasoo dhaafay uu baraha bulshadda qabsaday muuqaal ay soo duubtay Raheem Unnisa kaasoo ay ku sheegeyso in ay la kulmeyso dhibaatooyin kala duwan oo xoogan.

Sidda uu wariyey bogga Times Now News, Unnisa waxaa 12-sano [April 3, 2008] kahor guursaday nin Soomaali ah laguna magacaabo Cusmaan Faarax Dahir, waxaana ay degan yihiin magaaladda Galdogob ee gobolka Mudug.

Unnisa iyo Daahir ayaa isku guursaday magaaladda Rajender Nagar ee gobolka Hyderabad balse waxay kalkii dambe u soo guureen Soomaaliya.

Bishii hore ayay ahayd markii muwaadiniin Hindi ah kuna xayirmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay dowladda Hindiya bilowday in ay daad-gureyso ka markii shirkadii shaqaaleysiisay u diidey mushaharkooda iyo in ay safraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM