Xaaska Joe Biden oo lagu mudaaharaadey xilli ay khudbad jeedineysay

Image
Banaanbaxa waxaa saameysay gabar yar oo dalbanaysay in xabad-joojin laga sameeyo Gaza.

WASHINGTON, USA - Jill Biden, xaaska madaxweynaha Mareykanka Biden, ayaa qof mudaaharaad dhigayay uu hadalka ka dhex-galay xilli ay khudbad ka jeedineysay gobolka Arizona.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gabadh yar oo ka soo kacaysa fadhigeeda oo ku qaylinaysa, “Jill, goormaad adiga iyo madaxweynaha aad ku baaqi doontaan xabbad-joojin ka dhacda Gaza?”.

Cajaladan oo aad ugu faaftey internet-ka ayaa tusineysa laamaha ammaanka oo dibada u saaraya gabadha yar kadib markii ay hadalkiisa kaga careysiisay Jill.

Marwada koowaad ayaa ku sugneyd gobolka Arizona si ay ugala hadasho xuquuqda ilmo iska soo ridida ka hor doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM