Xaaska madaxweynihii hore ee Ivory Coast oo 20 sano lagu xukumey

Image

March 10, 2015 (GO)- Maxkamad ku taalla magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast ayaa labaatan sano oo xarig ah ku xukuntey xaaska madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast,  Laurent Gbagbo.

Haweeneydan oo 65 jir ah laguna magacaabo Simone Gbagbo waxaa lagu soo eedeeyey inay qayb ka qaadatay kicinta rabshadihii dadka badani ku dhinteen ee dalkaas ka dhacay kadib doorashadii madaxtinimada ee lagu murmay sanadkii 2010.

Waxaa sidoo kale dacwadoodu socotaa 82 qof oo  kamid ah taageerayaasha  Laurent Gbagbo isuguna jira dad rayid ah iyo xubno militeriga ka tirsan.

Qareenka u doodayey Haweenaydan ayaa sheegay in xukunka maxamaddu riday uu yahay mid aan  cadaalad ku saleysneyn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda Ivory Coast ayaa horay u diidey in Simone Gbagbo  loo gudbiyo makamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka (ICC) maadaama lagu maxkamadeyn doono gudaha dalka. Simone ayaa xabsi guri ku jirtey laga soo bilaabo sanadkii 2011.

Ku dhowaad saddex kun oo qof ayaa ku dhintay rabshado ka dhashay doorashadii 2010 markaasoo madaxweynihii hore ee Ivory Coast ka dhego adaygay inuu xukunka ka dego kadib markii uu guuleystey murashaxii la tartamay ee Alassane Ouattara.

Ciidamo daacad u ahaa Ouattara oo kaashanaya militeriga France ayaa ugu dambeyntii April 2011  ku guuleystey inay xukunka ka tuuraan Gbagbo lana soo xiro isaga iyo qaar badan oo kamid ah taageereyaashiisii siyaasadda.

Laurent Gbagbo iyo nin kale oo ay aad isugu dhowaayeen laguna magacaabo Charles Ble Goude waxay xilligan ku xiran yihiin dalka Netherlands iyagoo sugaya go'aanka maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM