​Xabaal wadareed laga helay Palmyra

Image

Saraakiisha ammaanka dalka Suuriya, ayaa xaqiijiyay in ciidamadooda ammaanka dalkaasi heleen xabaal lagu aasay ku dhawaad 40 ruux ku jiraan haween iyo carruur, wax tacadigaasi lagu eedayay kooxda Daacish oo muddo magaalada taariikhiga ah gacanta ku haysay.

Dadka dhintay ayaa dhammaantood lagu aasay hal good, waxaana loo malaynayaa in dhammaantood waqti isku mid ah la dilay.

Lama sheegin sababta loo dilay, balse waxaa la tuhmayaan inay kamid tahay tacadiga kooxda ISIS.

Ciidamada Assad ayaa magaalada Qadiimiga ah ka qabsaday ISIS Axaddii la soo dhaafay.

Palmyra, oo ku jirta liiska goobaha taariikhiga ah ee Hey’adda  Seyniska iyo Dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yiradhdo UNESCO, ayaa horey u aheyd magaalo ay u dalxiis tagaan kumanaan kun oo qof sanad walba.

ISIS  ayaa magaaladaa ka qabsatay ciidmada dowladda dagaal maalmo socday bartamihii bishii May ee sanadkii 2015kii, iyagoo markii dambana burburiyay – dhismooyin badan oo la dhisay xilligii boqortooyadii Romanka, muddo ku dhawaad 2,000 oo sanadood haatan laga joogo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM