Xabad-joojin iyo wadahadalo looga dhawaaqay waddanka Yemen

Image

RIYADH, Yemen – Dowladda Yemen iyo ciidamadda gooni u goosadka ayaa ku heshiiyey xabad-joojin, waxaana wadahadalo lagu fulinayo heshiis nabadeed uu uga bilaaban doonaa Sacuudiga, sidda uu shaaciyey diblumaasi.

Mohammed al-Jaber, oo ah danjiraha Sacuudi Carabiya u fadhiya Yemen, ayaa warkaas ku shaaciyey bartisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Sidda laga soo xigtay safiirka, dhinacyadda ayaa isku raacay in xabad-joojinta laga dhaqan-geliyo gobolka Abyan isla markaana gobolada kale laga yareeyo xiisadaha iyo isku dhacyadda hubeysan ee waxyeelada sababa.

Guddiyo ka kala socda Golaha ku meelgaarka ah ee xukuma koonfurta Yemen iyo dowladda Sacuudiga taageerto ee uu hogaamiyo madaxweyne Abd-Rabbu Mansour ayaa ka qeybgalaya wada-xaajoodyada Riyadh.

Xilfaatanka darafyadda hubeysan ayaa xoogeystay bishii April markii Golaha iskiis ismaamulka ugu dhawaaqay uu gooni u goosad iclaamiyey.

Ciidamadda gooni u goosadka sheegtay ayaa taageero ka hala Imaaraadka Carabta oo kol hore Sacuudiga ay xulafo ku ahaayeen ololahooda milatari ee ka dhanka ah Xuutiyiinta oo gacanta ku haya badi dhulka Yemen.

Iska hor-imaadyadda ayaa mar kale soo cusboonaadey Sabtidii markii ciidamadda gooni u goosadka taageersan ay qabsadeen magaalada Socotra.

Xoogaga gooni u goosadka, oo calanka u lula dowladii shuuciga ahayd ee koonfurta Yemen ka jirtay isla markaana dalka mar kale gelisay colaaad, ayaa la wareegay xarumo dowladeed oo uu ku jiro xafiiska gudoomiyaha.

Dowladda caalamka aqoonsan yahay ayaa ku eedeysay xoogaga gooni u goosadka in ay afgembi ku qabsadeen magaaladda muhiimka ah ee Socotra, halkaas oo loo ictiraafey mid kamid ah goobaha ugu qadiimisan dunida.

Dagaalka ka dhacay magaaladdaas ayaa laga cabsi qabaa in uu burbur kasoo gaaro Jaziiradaas caanka ku ah dalxiiska iyo goobaha qadiimiga ah.

Koonfurta Yemen oo xorriyadda qaadatay 1990-kii ayaa la midowday waqooyi; colaadii qaraxday 2014-kii waxay dhalisay in Xuutiyiinta ay dowladda caalamka aqoonsan yahay ka saarto magaala madaxda Sanca.

Howlgal milatari oo Sacuudiga iyo Imaaraadka horkacayeen oo xoogeystay bishii Maaj sanadkii 2015-kii ayaa lagu xoreeyay caasimadda.

Tan iyo waqtigaas, Yemen ayaa dhexda kaga jirta colaad raagtay oo galaaftay nolosha ku dhowaad 100-kun oo u badan shacab, malaayiin kalana way ku barakaceen, halka qaar kalana ay ku tabaaleysan yahay gudaha waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM