Xadgudubyo Lagu Hayo Maxaabiista Falastiiniyiinta ku xiran Israa’iil

Image

GAZA - Wararka ka imaanaya Falastiin ayaa sheegaya in ciidamada Israa’iil ay sii wadaan xirxiridda maalinlaha ah ee dadka reer Falastiin, iyaga oo la kulma tacaddiyo culus. Muhammad Abu Samra, oo dhawaan laga sii daayay xabsi Israa’iili ah, ayaa ka warbixiyay dhibaatada isaga iyo maxaabiis kale soo mareen.

Abu Samra ayaa sheegay in iyaga oo indhaha ka xiran la garaacay kadib markii lagu eedeeyay inay hub haysteen. “Waxaa la ii geeyay xero ciidan oo Israa’iil ku taal, halkaas oo ey la igu sii daayay, ciidna la igu daboolay, waxaana la igu hanjabay in la i toogan doono,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Abdel Qader Tafesh, oo sidoo kale horey u ahaa maxbuus, ayaa xusay sida uu Alle u badbaadiyay. “Waxaan la kulmaynaa ciqaab wadareed maalin walba. Aad baan uga xumahay xaaladda ragga iyo dhallinyarada da’doodu tahay 15 ilaa 16 sano ee xabsiyada ku jira,” ayuu yiri Tafesh.

Dhacdooyinkan ayaa muujinaya heerka xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ka dhacaya xabsiyada Israa’iil, waxayna abuuraan walaac sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda maxaabiista reer Falastiin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM