Xamaas: Argagixiso ma nihin

Image

DOHA - Hogaamiyaha siyaasadda dibada ee ururka Xamaas, Ismaaciil Haniya oo caawa sii daayay muuqaalka uu kaga hadlayo duqeynta Israel ay ku wado Gaza ayaa sheegay in kooxdoodu ay ku sugan tahay xaalad uu ku tilmaamay mid kun kheyr ah.

Dhanka kale waxaa uu iska fogeeyay eedaha reer galbeedka ee in kooxdoodu Argagixiso tahay isaga oo uga jawaabay" Argagixiso ma ahin waxaan nahay gobannimo doonayaal u dhaqma sida ay qabaan xeerarka caalamiga ah, shareecada Islaamka iyo dhamaan Diimaha alle soo dajiyay".

Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri "waxaan bogaadinayaa dhamaan codadka geesiyaasha ee dhiiran kuwaasi oo cadeeyay xaqqa reer Falastiin waxaana ka codsanayaa in nalagu garab istaago hub iyo maal".

Hadal jeedinta Haniya ayaa imaanaysa iyada oo ay wali marinka Gaza ka socdaan duqeymaha aan ka fiirsiga lahayn ee Israel kuwaasi oo ay ku halaagsameen kumanaan rayid ah oo ay badan yihiin haween iyo caruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM

Sacuudiga oo Ku Dhawaaqay Maalgashi $600 Bilyan ah oo ay Ku Samaynayo Mareykanka

Maalgashigan ayaa la filayaa inuu noqdo mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Sacuudi Carabiya ku sameyso dalka dibaddiisa.

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 11:39AM