Xamaas oo la wareegtay goobo ay faarujiyeen ciidamada Yahuuda

Image
Tani ayaa waxa ay soo dadajisay in garabka siyaasadda koxoda uu dib uga howlgalo goobahan.

DOOXA, Qadar - Laba sarkaal oo sare oo ka tirsan laamaha ammaanka Israa’iil ayaa sheegay in milatarigu lagu wargeliyay in hoggaanka siyaasadda Xamaas ay bilaabeen soo celinta awooddooda maamul ee Gaza, sida ay sheegtay warbaahintu.

Warbaahinta dadweynaha ee KAN ayaa sheegtay in labada mas’uul oo aan magacyadooda la xusin, ay sheegeen in Xamaas ay dib u qabsatay goobahan oo ay faarujiyeen ciidamadda Yahuuda.

Sida xogta muujineyso, hogaanka siyaasadda kooxda Xamaas ayaa dhawaan waxay bilaabeen inay u adeegaan shacabka ku dhaqan gobolada dhexe iyo kuwa waqooyi.

Intaa waxaa dheer, waxaa jira guddiyo degdeg ah oo ay sameeyeen kooxda iska caabinta Falastiiniyiinta oo sidoo kale ka barbar shaqeeya degmooyinka, ayay saraakiishu ku dareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM