Xamaas oo laga sugayo jawaab ay ka bixiso soojeedin xabad-joojin

Image
Aqalka Cad ayaa sheegay in jawaabtan loosoo marsiin doono dowladda Carbeed ee Qadar.

WASHINGTON, USA - Jawaabta kooxda iska caabinta Falastiin ee Xamaas ee ku aaddan hindisaha xabbad-joojinta ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa weli la sugayaa, sidda laga soo xigtay Aqalka Cad.

lataliyaha amniga qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa u sheegay warfidiyeenka.

"Waxaan jawaab ka sugeynaa Xamaas iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha Qatar," Sullivan ayaa yiri.

"Agaasimaha CIA Bill Burns ayaa ku sugnaan doona Doha si uu ula tashado dhexdhexaadiyeyaasha Qatar hindisaha xabbad joojinta Gaza," Sullivan ayaa raaciyay.

Qatar ayaa Gaza ka dhex dhexaadineysay Israel iyo Xamaas.

Raiisel wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa weli ah mid aan mugdi ku jirin oo uu "dal-daloolo" ka helay soo jeedinta Biden halka saaxiibadiisa xagjirka ah ay ka soo horjeedaan heshiis kasta oo xabbad joojin ah oo lala galo Hamas.

Waxay ku hanjabeen inay jabin doonaan xukuumadda isbahaysiga ee Netanyahu haddii uu aqbalo heshiiska Biden.

Afhayeen u hadlay Xamaas ayaa dhanka kale ku celiyay in aysan aqbali karin wax heshiis ah ilaa ay Israa’iil samayso go’aan "cad" oo ah xabbad-joojin joogto ah iyo inay gebi ahaanba ka baxdo go'doominta Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ka Codsaday inay ku Biiraan "Heshiiskii Ibraahim" marka uu Dagaalka Iran Dhammaado

Saraakiisha ayaa sheegay in markii Trump uu soo jeediyay in waddamada aan weli aqoonsan Israa’iil ay ku biiraan Heshiiska Ibraahim.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 06:16PM

Mareykanka oo gantaalo ku garaacay Iran iyo Trump oo soo saaray digniin kulul

Weerarkan cusub ayaa yimid xilli uu jiro xabbad-joojin ay dhexdhexaadinayso dowladda Pakistan oo dhaqangashay tan iyo 8-dii April.

  • Caalamka

    26-05-2026

  • 11:34AM