Xamaas oo shuruud cusub ku xirtey in ay wadahadal la furto Israa'iil

Image
Sabtidii, Israa'iil waxay dib ugu yeertay dhexdhexaadiyeyaasha wada-hadallada Doha iyadoo ku sababaysay "mid aan fadhin".

DOOXA, Qadar - Ka dib wadahadalo todobaadyo socday, Israel iyo Xamaas ayaa waxay gaareen heshiis xabbad joojin ah 24-kii Noofambar kaas oo socday muddo toddobo maalmood ah ka dib markii labo jeer la kordhiyay.

Intii uu socday dagaalka, 105 maxbuus ayay Xamaas sii daysay, halka 240 maxaabiis falastiiniyiin ah ay Israa'iil sii daysay, gargaar bini'aadannimo oo dheeraad ahna waxaa loo ogolaaday in ay galaan Gaza.

Jimcihii, ciidamada Israel ayaa dib u bilaabay beegsiga goobaha ay tuhunsan yihiin ee Gaza iyagoo ugu baaqay dadka degaanka inay mar kale u dhaqaaqaan koonfurta dhanka Rafah.

Sabtidii, Israa'iil waxay dib ugu yeertay gorgortamayaasheeda wada-hadallada Doha iyadoo ku sababaysay "mid aan fadhin".

Gelinkii dambe ee maanta, sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Al Jazeera u sheegay in wada xaajoodka maxaabiista la isku weydaarsanayo la soo afjaray, isla markaana aysan dib u bilaaban doonin ilaa Israel ay joojiso weerarkeeda oo ay ku wareejiso dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM