Xamaas oo sii daysay laba la heyste oo Mareykan ah

Image

QASA - Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa daabacday sawirka labada la hayste ee Maraykanka ah oo ay Xamaas sii daysay Jimcihii, kuwaas oo kala ah Yehudit Raanan iyo gabadheeda Natalie Raanan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Xamaas ay afduubteen hooyada iyo gabadheeda xilli ay ku sugnaayeen gurigooda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in labada la heyste ay ka soo jeedaan magaalada “Evanston”, oo ku taal duleedka Chicago, Illinois.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen guutada Al-Qassam, garabka militariga ee Xamaas, sii deynta labada maxbuus ayaa ku timid “sababo bini’aadantinimo”.

Ururka Xamaas ayaa sheegay in ay qafaasheen ilaa 200 oo qof intii uu socday weerarkii weynaa ee ay 7-dii bishii Oktoobar ku soo qaadeen mmagaalooyinka iyo saldhigyada milatari ee dhaca koonfurta Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Dalbadey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 

Aqalka Cad iyo Guddiga Abaalmarinta Nobel ee Norway ayaa ka gaabsaday in ay ka jawaabaan codsiyo warbaahinta ku saabsan warkan.

  • Caalamka

    18-08-2025

  • 06:16AM

Caasimadda dalka Yemen, Sanca ah oo La Duqeeyay - Fahfaahin

Dhinaca kale, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa horey u qaaday weerarro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    17-08-2025

  • 05:46AM