Xamaas oo sii deysay haweeney Israa’iil u dhalatay iyo caruur ay dhashay

Image

QUDUS - Guutada Izz al-Diin al-Qassam, oo ah garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa ku dhawaaqay Arbacada inay sii daayeen haweeney Israa’iil u dhalatay iyo laba caruur ah oo ay dhashay.

Al-Qassam ayaa ku yiri bayaan ay soo saareen in haweeneysda iyo labadeeda carruur ah la sii daayay ka dib markii lagu xiray iska horimaadyada.

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa dhankiisa yiri: “Kadib markii dunida oo dhan ay aragtay wejigeeda foosha xun oo runta ah sida urur waxashnimo ah oo boqolaal caruur iyo haween aan waxba galabsan ku dilay weerar argagixiso.”

Adraee ayaa intaas ku daray: "Runtu waa caddahay, sifooyinkeeduna way sii caddaan doonaan maalmaha soo socda, Xamaas way ka sii daran tahay Daacish, waxaana sii wadi doonnaa duqeymaha oo aan joogsi lahayn."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM