Xamsa: Isbeddelka Soomaaliya lama xaqiijin karo haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) tusaale u yahay hannaanka cusub ee ay qaadday Soomaaliya, kaas oo xoogga saaraya waxqabad muuqda iyo isbeddel dhab ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in isbeddelkani uu xambaarsan yahay rajo cusub iyo hiigsi fog oo ku aaddan kobaca iyo horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, isla markaana diiradda saaraya maalgelinta ilaha wax soo saarka, si loo gaaro kobac dhaqaale, shaqo abuur iyo fursado horumarineed.

“Qorshahan wuxuu ku saleysan yahay in aan ka faa'iidaysanno khayraadka dalkeenna iyo xirfadaha dadkeenna, si aan u gaarno horumar waara, waxa uu soo saari doonaa qorshayaal la taaban karo oo lagu maalgeliyo beeraha, kalluumaysiga, xoolaha, jidadka, buundooyinka, dekadaha, garoomada diyaaradaha iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah, si loo gaaro isku filnaasho dhaqaale”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxa uu hoosta ka xarriiqay in isbeddel aan la xaqiijin karin, haddii uusan qof walba naftiisa ka bilaabin isbeddelka, taas oo lagu gaari karo yoolalka fog ee la hiigsanayo.Soomaaliya ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in ay ka jiraan fursado badan oo dhinacyada maalgashiga, kuwaas oo ka abuurmay shuruucdii maalgashiga shisheeye oo la hirgeliyey, deyntii oo dalka laga cafiyey iyo Soomaaliya oo ku biirtay suuqa ganacsiga bariga Afrika.

Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP) ee Ra’iisul Wasaaruhu Daahfuray oo beddelaya Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (NDP), ayaa horseedi doona hiigsiga horumarka waara, bulsho aqoon iyo xirfad sare leh oo ka tarjumaya mustaqbalka ifaya ee uu leeyahay Soomaaliya.

War-saxaafadeed

Related Articles

Maxay tahay sababta uu isku-casilay Keir Starmer, Ra’iisul Wasaaraha Britain?

Sanadkii 2024, Starmer ayaa xisbigiisa Labour ku hoggaamiyay guushii ugu weynayd ee baarlamaanka tan iyo 1997.

  • Caalamka

    22-06-2026

  • 09:28AM

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo wajahaya cadaadis sii xoogeysanaya, isagoo ka fiirsanaya iscasilaad

Starmer ayaa muddooyinkii dambe wajahaya hoos u dhac ku yimid taageeradiisa, qaladaad dhanka siyaasadda ah iyo fadeexado isa soo tarayay.

  • Caalamka

    21-06-2026

  • 03:26PM