Xaruntii dhaqaalaha Xisbulah oo duqeymo culus lala beegsaday

Image
Ciidamada Yahuuda ayaa sheegay in ay burburiyeen guud ahaan fariisinkan muhiimka ah.

DOOXA, Qadar - Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in tiro badan oo baabuur ah iyo ciidamo millatari ay subaxda dhex mari doonaan magaalada xeebta ah ee Israel ee Nahariya, taas oo qayb ka ah “Dhoolatus ciidan”, sidda ku cad qoraal lasoo dhigay X.

Ciidamada Israel ayaa burburiyay dhamaan guryihii iyo kaabayaashii dhismaha ee Block 2 ee xerada qaxootiga ee Jabalia ee waqooyiga Gaza, sida ay ku warantay Al Jazeera.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israel oo lagu magacaabo Daniel Hagari ayaa sheegay in Taliye Israa’iili oo lagu dilay Jabalia uu ka mid ahaa weerarrada ay Israa’iil ku qaadayso xerada qaxootiga.

Waxaa lagu soo waramayaa in uu yahay sarkaalkii ugu sarreeyey ee Israa’iil lagu dilo Qaza tan iyo markii uu bilowday duulaanka dhulka ee Israa’iil.

Ururka al-Qard al-Hassan, oo Israel ay sheegtay in ay tahay garabka maalgelinta ee Hezbollah, ayaa sheegay in kaydkoodu uu sugan yahay ka dib markii Israel ay 12 gantaal ku garaacday Beirut, ka dib markii ay sheegtay in ay beegsan doonto hay'adda maaliyadeed.

Ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa weli ku sugan koonfurta Lubnaan inkasta oo cagaf-cagaf ciidanka Israa’iil uu si ula kac ah u burburiyay daar ilaalineed oo nabad ilaalineed oo Qaramada Midoobay ah iyo deyrka hareeraheeda, ayuu yiri UNIFIL.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM