Xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhex curatay Urdun iyo Israa'iil

Image
Xurguftan ayaa salka ku haysa masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee magaaladda Qudus.

ANKARA, Turkey - Wasaaradda arimaha dibadda ee boqortooyada Urdun ayaa maanta oo Talaado ah u yeertay safiirka Yahuuda u jooga caasimada Urdun ee Amman, sidda ay qortey warbaahinta maxaliga ah.

Sida laga soo xigtey warbixinta, wasaaradda ayaa danjiraha waxa ay ku wareejisay kuna wargelisay in uu gaarsiiyo dowladiisa cabasho ka dhan is-hortaag lagu sameeyay safiirkooda.

Afhayeenka wasaarada arimaha dibadda Urdun, Sinan Majali, ayaa carabka ku adkeeyay in warqada ashtakada ay ku qorneyd luuqad adag ayna ku dalbadeen jawaab degdeg ah.

"Waxaan gaarsiinay cabasho lahjad adag ah oo aan ka qabno is hortaaga ay booliskoodu ku sameeyeen safiirka Urdun ee Israa'iil, Ghassan Majali isaga oo booqan lahaa masjidka Aqsa ee barakaysan," ayuu yiri.

Ciidamadda Yahuuda ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyey joogitaankooda masjidka. Talaabdan waxay ka dambeysay markii ay xukunka qabsatay dwlad bidixda fog ah oo mayal adag.

Masjidka barakaysan ee Aqsa ayaa maamulkiisuhoos tagaa Wasaaradda Arimaha Diinta ee boqortooyada Urdun balse inta badan dadka halkaasi ku tukada ayaa cabasho ka muujiya hab-dhaqanka booliska Yahuuda.

Xiriirka Israa'iil iyo Urdun ayaa mudooyinka danbe turun-turooyin dhawr ah marayay iyaga oo inta badan uu khilaaf ka dhex dhaliyo maamulka iyo hanaanka socodsiinta hawlaha masaajidada barakaysan ee Qudus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM

Spain oo hawadeeda ka xirtay diyaaradaha Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Iran

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa marar badan dhaliilay dagaalka ay hoggaaminayaan Mareykanka iyo Israel.

  • Caalamka

    30-03-2026

  • 01:56PM