Xiisad ka dhex-qaraxdey dowladaha Shiinaha iyo Malaysia

Image
Malaysia, Filibiin, Vietnam iyo Brunei ayaa sheeganaya qaybo ka mid ah Badda Koonfurta Shiinaha.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Malaysia ayaa sheegtay inay u yeertay safiirka Shiinaha si ay uga mudaaharaadaan "joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada” maraakiibta China ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Kuala Lumpur (EEZ) ee Badda Koonfurta Shiinaha ee ka baxsan jasiiradda Borneo.

Maraakiibta China, oo ay ku jiraan doonyo sahan, ayaa tagay xeebaha Malaysia ee Sabah iyo Sarawak talaabadaas oo baalmarsan heshiiskii Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda 1982 -kii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Malaysia.

Wasaaradda oo war-saxaafadeed soo saartey Talaadada maanta ah ayaanan faahfaahin ka bixin tirada maraakiibta ku lugta leh ama ma sheegin goorta falku dhacay.

"Mawqifka iyo ficillada joogtada ah ee Malaysia waxay ku saleysan yihiin sharciga caalamiga ah, iyagoo difaacaya madax-bannaanideena iyo xuquuqda madax -bannaanida ee biyaheenna,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Malaysia oo kamid ah wadamada dhexdhexaadka ka ah khilaafaadka aduunka ayaa sidoo kale waxay horay kaga dhiidhisay xad-gudubyo hore ee ay maraakiib kale oo shisheeye ku galeen biyaheenna.

Malaysia, Filibiin, Vietnam iyo Brunei ayaa sheeganaya qaybo ka mid ah Badda Koonfurta Shiinaha oo ka baxsan xeebahooda, halka Shiinuhu ku andacoonayo ku dhawaad ​​dhammaan aagga ay maxkamadda caalamiga u xukuntay aysanna sal lahayn.

Sanadkii hore, Malaysia iyo Shiinaha ayaa ku lug lahaa xiisad muddo bilo ah ka taagneyd badda Sarawak halkaas oo Petronas, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Malaysia, ay ka baareysay shidaal iyo gaas. Shiinaha ayaa sidoo kale markabka sahan u diray goobtaas munaasabaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM