Xiisad ka dhex-qaraxdey dowladaha Shiinaha iyo Malaysia

Image
Malaysia, Filibiin, Vietnam iyo Brunei ayaa sheeganaya qaybo ka mid ah Badda Koonfurta Shiinaha.

KUALA LUMPUR, Malaysia - Malaysia ayaa sheegtay inay u yeertay safiirka Shiinaha si ay uga mudaaharaadaan "joogitaanka iyo dhaqdhaqaaqyada” maraakiibta China ee aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Kuala Lumpur (EEZ) ee Badda Koonfurta Shiinaha ee ka baxsan jasiiradda Borneo.

Maraakiibta China, oo ay ku jiraan doonyo sahan, ayaa tagay xeebaha Malaysia ee Sabah iyo Sarawak talaabadaas oo baalmarsan heshiiskii Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda 1982 -kii, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Malaysia.

Wasaaradda oo war-saxaafadeed soo saartey Talaadada maanta ah ayaanan faahfaahin ka bixin tirada maraakiibta ku lugta leh ama ma sheegin goorta falku dhacay.

"Mawqifka iyo ficillada joogtada ah ee Malaysia waxay ku saleysan yihiin sharciga caalamiga ah, iyagoo difaacaya madax-bannaanideena iyo xuquuqda madax -bannaanida ee biyaheenna,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Malaysia oo kamid ah wadamada dhexdhexaadka ka ah khilaafaadka aduunka ayaa sidoo kale waxay horay kaga dhiidhisay xad-gudubyo hore ee ay maraakiib kale oo shisheeye ku galeen biyaheenna.

Malaysia, Filibiin, Vietnam iyo Brunei ayaa sheeganaya qaybo ka mid ah Badda Koonfurta Shiinaha oo ka baxsan xeebahooda, halka Shiinuhu ku andacoonayo ku dhawaad ​​dhammaan aagga ay maxkamadda caalamiga u xukuntay aysanna sal lahayn.

Sanadkii hore, Malaysia iyo Shiinaha ayaa ku lug lahaa xiisad muddo bilo ah ka taagneyd badda Sarawak halkaas oo Petronas, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Malaysia, ay ka baareysay shidaal iyo gaas. Shiinaha ayaa sidoo kale markabka sahan u diray goobtaas munaasabaddaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM